
Salaam University Medical Students Begin Clerkship at De Martino Public Hospital
Ardayda Kulliyadda Daawada iyo Qalliinka ee Jaamacadda Salaam ayaa bilaabay tababarka Clerkship-ka ee De Martino Public Hospital si ay u xoojiyaan aqoontooda iyo xirfadahooda caafimaad.
𝐀𝐑𝐃𝐀𝐘𝐃𝐀 𝐊𝐔𝐋𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐃𝐀𝐀𝐖𝐀𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐐𝐀𝐋𝐋𝐈𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐁𝐈𝐋𝐀𝐀𝐁𝐀𝐘 𝐓𝐀𝐁𝐀𝐁𝐀𝐑𝐊𝐀 𝐂𝐋𝐄𝐑𝐊𝐒𝐇𝐈𝐏-𝐊𝐀 𝐄𝐄 𝐃𝐄 𝐌𝐀𝐑𝐓𝐈𝐍𝐎 𝐏𝐔𝐁𝐋𝐈𝐂 𝐇𝐎𝐒𝐏𝐈𝐓𝐀𝐋.
Ardayda Kulliyadda Daawada iyo Qalliinka ayaa bilaabay tababarkooda Clerkship-ka ee De Martino Public Hospital, halkaas oo ay ku heli doonaan waayo-aragnimo caafimaad oo wax ku ool ah, kuna xoojin doonaan aqoontooda iyo xirfadahooda caafimaad.
Tababarkan ayaa ardayda siinaya fursad ay ku dabaqaan aqoontii ay ku barteen fasallada, kuna bartaan hababka baaritaanka bukaanka, ogaanshaha cudurrada, daryeelka bukaanka iyo la shaqaynta xirfadlayaasha caafimaadka.
Clerkship-ku waa marxalad muhiim ah oo ka mid ah safarka waxbarasho ee ardayda caafimaadka, isagoo ka caawinaya inay horumariyaan xirfadaha caafimaad, anshaxa shaqada iyo masuuliyadda saaran dhakhtarka mustaqbalka.
Waxaan u rajaynaynaa ardayda guul, horumar iyo waayo-aragnimo qiimo leh inta ay ku guda jiraan tababarkooda ee De Martino Public Hospital.
Aqoonta, waayo-aragnimada iyo daryeelka bukaanka — jidka loo maro dhakhtarnimo tayo leh!
#Clerkship
#DeMartinoPublicHospital
#MedicalStudents
#ClinicalTraining
#MedicalEducation
#FutureDoctors
Photo Gallery
(9)








Share this article
